Sunday 12 March 2017

GANACSIGA GUULAYSTAY IYO KAN GADAAL MARAY

Hay'adaha ugu caansan ganacsiga soomlida uguna magaca iyo farsamada wanaagsan waxaa ka mid ah xawaaladaha, sidaas darteed Qormadaydaan waxaan ku Qalin daari doona wixii aan ku arkay horumar iyo dib u dhac xawaaladaha soomalida.


Wixii ka dambeeyay sanadkii 2001 dii markii maraykan ay ka dhacday sep 11, waxaa soo kordhay hanaanka money laundry oo ah hanaan lagula socdo hay'adaha maaliyadda iyo lacagta ka ganacsada waxaana arintaan dhaqan galiyay inta badan baananka dhexe ee wadamada sharcigu sareeyo.

Waxaysa arintaas saamayn ku yeelatay jeeblayaasha iyo ganacsatada soomaaliyeed ee kaashka garabka ku qaata maadaama aysan somalia ka jirin bank dhexe oo shaqeeya muddo.


Waxaana maalin walba arkaa muran ka dhex taagan xawaaladaha soomlida iyo ganacsato lacag kuus ah loogu soo diray si ay hawl ganacsi ugu qabtaan.


Dalka imaaraatka oo udhub dhaxaad u ah socodka badeecooyinka soomaaliya taga ayaana ah halka inta baddan lacagta lagu kala wareejiyo.


Culayska ay keentay kantaroolka socodka lacagta waxay kala reebtay shirkadaha xawaalaha soomliya oo qaarkood ay qaadeen tilaabo caalamka la socon karta qaarkoodna ay isku badaleen xaaruumo fadhi ku dirir ah oo ay kugu qaadanayso 10 maalin in aad xoogaa kaa yaalay ka hesho ama aad usoo laalaabato maalmo baddan.

Shirkadaha Amal express ,  Dahabshiil, iyo sundus exchange ( Taaj), ayaana guul weyn ka soo hooyay shaqadaad u adeegidda kalyantiga iyo haqabtirka, sahlidda soo dhawaynta macaamiisha.
Waxaan is waydiiyay in ay yihiin shirkadahaan kuwa Guulaystau hadafkooda ganacsi isla markaana haysta imkaaniyaadkii shaqadaan u baahnayd xag sharci, shaqaale, iyo dhaqaale, waxayna jawaabtaydu tahay, Haa, waa ku guulaysteen waana in looga mahad celiyaa oo lagu amaana looguna Eexdaa.

Waxaanse is waydiiyay xeerka iyo
Masuuliyadda qolooyin aan soo arkay oo aan ku tilmaami kato xero lugooyo, oo leh sifooyinka hoos ku Qoran.

Waa xafiis muraayado ah oo xiran magac xawaalad oo aan dhagaaga ku cusbayn ayaa ku qoran

Muraayadda waxaa ka soo jeeda wadaad gar leh oo aad dhawr jeer ama maalin kasta masaajidka ku aragto.
Maadaama uu ogyahay in ay qasnaddu marantahay isla markaana aanay shirkaddu keenin imkaaniyaadkii ay shaqaddaan u baahnayd xag sharci iyo xag maaliyadeedna waxa uu u diyaarsanyahay in uu iska kaa daba wareejiyo , waxuuna amar ku qabaa in dadka balamiyo inta baddan maalinta khamiista ah.
Jawaabtiisu waa, walaallacag baa kuu taal lkn 3 maalin kadib ayaan ku soo wacaynaa, oo soo tan xayaysiiskaagu yahay hadda dir hadda qaado, ayaad leedahay,markaas ayuu kaaga sheekeeyaa caalamka lacagta iyo dhibka jira, ogowna inta baddan asaga ayaa ka baaqsaday in uu buuxiyo wixii sahli lahaa shaqadiisa oo tartamaayaashiisu ay buuxiyeen.

Waxaad u sheegaysaa in ay jiraan kuwa maalin kasta malaayiin bixiya oo ay ku jiraan kuwa aan kor ku xusay , markaas ayuu kuu  gudbiyaa wadaad u eke kale oo shaqadiisu tahay tilmaan oo lume.


Waxaad xasuusanaysaa oraahdii Ustaad Cabdalla Nuuradiin ee Magac xawaalad oo Tabeelle ay ku Xardheen xawaalad haw malaynin.

Aqristayaal qabta kale waxaan idinla wadaagi doonaa wixii nakala raacay aniga iyo qaar ka mid ah xawaaladaha ka gaabiyay buuxinta wixii shaqadooda hagaajin lahaa ee hadana jidka noo fadhiya.